|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Qaranka Uu Ka Baxay Sh. Aadansiiro Oo Ku Geeriyooday Hindiya.
July 14, 2022 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 14/07/2022 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Culimada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 14/07/2022, dalka Hindiya.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka, garabna siin jiray bulshada jilicsan, sidoo kalena doormuhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH
Related posts:DAAWO;-Warbixin Xiiso Badan Oo Laga Diyaariyay Magaalada Dire Dhaba! ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ ๐ฌ๐ฎ๐ฟ๐ฒ A๐ฑ๐ฑ๐ผ๐ผ๐ป ๐๐น๐น๐ฒ O๐ผ S๐ฎ๐บ๐ถ๐ฟ, D๐๐น๐พ๐ฎ๐ฎ๐ฑ, A๐พ๐ผ๐ผ๐ป I๐๐ผ A๐ณ-๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐ป๐ถ ๐ธ๐ S๐๐ป๐๐ฎ๐ป๐ฎ๐ฎ! โKomishankii Waxay Imika Wadaan Barnaamij Layidhaa, Ila Tali Walaal, Waxaanan Rajaynayaa Markay Tala... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |