|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Cafis Ufidiyay 546 Maxbuus Oo Ku Xidhan Jeelashada Somaliland.
July 7, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-900/072022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Cafis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad; Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka; Markaan Arkay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddeedu tahay XIG/JSL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jsl.
Related posts:Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Dagaalka Gobolka Tigray Iyo Kumaan Qof Oo Ka Barakacay Guryahoodii... Daawo:Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Wacdaro Ka Dhigay Magaalada Boorama Iyo Heeso Cusub Oo Qayb Ka ... Gaadhi Siday Dad Iyo Xoolo Kasoo Hayaamay Abaaraha Oo Gaadhi Kula Dhacday Duleedka Deegaanka Abaarso... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|