Madax-dhaqameedka Beelaha Subeer Awal Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Dhigooda Beelaha Warsangali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax-dhaqameedka Beelaha Subeer Awal Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Dhigooda Beelaha Warsangali.
July 25, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Salaadiinta Beelaha Subeer Awal ayaa  magaalada Hargaysa Hadhimo Sharafeed ugu sameeyay Salaadiinta Beelaha Warsangali Taasi oo ka qabsoonta huteelka Like Asal ee magaalada hargaysa.

Suldaan Ismaaciil suldaan Cabdiraxman   Oo Hormuud ka ahaa madaxdhaqameedka subeer awal ee casuumadan sameeyay ayaa madasha ka jeediyay hadalo soo dhawayn iyo mahadnaq ah.

Munaasibada waxaa ka soo qaybgalay  madax dhqmeed, siyaasiyiin iyo Gudomiye kuxigeenka  Golaha guurtida mudane Siciid iyo qaar ka mid ah,aqoonyahanka deegaanka Yube  ee Somaliland .

COMMENTS
LINKS