Kal-fadhigii 5Aad Ee Golaha Deegaanka Gabiley Oo Saaka Furtay Iyo Qodobada Diirada Lagu Saarayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kal-fadhigii 5Aad Ee Golaha Deegaanka Gabiley Oo Saaka Furtay Iyo Qodobada Diirada Lagu Saarayo!
July 13, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Kalfadhigii 5-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa saaka ka furmay hoolka Shirarka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley,Kaasi oo uu gudoominayay duqa degmada Gabiley.

Kalfadhigan oo goluhu kaga wada hadli doono qodobo muhiim ah oo kala ah:-

In golaha la siiyo warbixinta wixii qabsoomay muddada lixda bilood ah ee goluhu kala maqnaa.

Xeer Hoosaadka Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.

Ansixinta wax ka badal fudud oo lagu samayn doono master plan ka magaaladda.

Dibu eegis lagu sameeyo Xoolaha laga saaray magaaladda.

Xaaladda Biyaha magaaladda.

Midaynta Tacriifadda Degmooyinka Gobolka.

Deeqaha Waxbarashadda Ardayda (Scholarshipyada).

Gudi Hoosaadyadda Golaha Deegaanka.

Maayarka magaalada Gabiley ayaa faah faahin ka bixiyay kal fadhigan iyo waxyaabaha lagaga hadli doono.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

COMMENTS
LINKS