|
|||||
WAJAALE NEWS
Aragtida Iyo Hadalheynta Shacabka Ee Ku Wajahan Sida Loo Kala Ulanayo Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Iyo Dr Gaboose!
July 19, 2022 - Written by Editor:Tan iyo intii Ka dambaysay markii Dr Gaboose, Mar Sadexaad Kusoo indha-adeygay Damaca Siyaasadeed ee uu hore ugu guuldreystay laba Tartan oo Ururada Siyaasada uu ku loolamay Waxaa indhawaale Siweyn usoo baxdey, hadalhaynta Shacabka Gudihiisa, ee ku Aadan sida Diirada loo Saarey qiimaynta isaga iyo Murrashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), taas oo loo faaqidey dhinacyo badan oo ay ku kala Duwan yihiin Dabeecad ahaan iyo qof ahaan. Inkastoo aannu Dr Maxamed Cabdi Gaboose u tanaasulin Cirro tartankii Ururada Siyaasada ee 2012kii Wakhtigii uu Samaystey Ururka Umadda haddana Waxa uu Doorashadii Tartanka Madaxtooyada ee 2017kii si badheedhe ah u taageeray, Cabdiraxmaan markii ay ay isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi ku tartameen Kursiga, taas oo aan habayaraatee, dhinacna lagaga Kasoo Galaynin qiimaynta lagu kala ulanayo labadooda. Dr Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Shacabka Somaliland Inta ugu badan ee Aqoonta uleh iyo taageerayaashiisuba, ku qiimeeyaan innuu yahey Shakhsi, si aad ah uga duwan dabeecad ahaan, iyo qof ahaan Marka loo eego in uu uga naxariis badan yahey Shacabka iyo danyarta islamarkaana leeyahey, Shan qoddob oo Ku Xidhiidhsan Sifaha Ninka Hogaamiye u noqon Karra Umadda Marka loo eego Duruufaha Reer Somaliland haysta Xiligan intooda ugu badan. Kuwaas oo kala ah (1)-Dhinaca Dulqaadka:-iyo Waayo aragnimada Hogaamineed, oo laga Dheehday Mudadii dheerayd ee uu Hogaaminayey Golaha Wakiilada taas oo dhigeeda lagu Qiimayn Karro Shaqadii Dr Gaboose takhasuskeeda lahaa ee Dhakhtarnimo. (2)-Dhinaca Cadaaladda:- oo iyadana laga Tixraaci karro Habdhaqankii Mudanayaasha Golaha Wakiilada Xiliyadii adkaa ee Xukuumadihii kala Dambeeyay Madaxweyne Rayaale, iyo Madaxweyne Siilaanyo sidii uu Maamul ahaan u Wadey Golaha Xubnaha Mucaaridka iyo Kuwa Muxaafidka ah Xaalado Xasaasi ah, taas oo Drku Kaga Duwanaa Xiligii uu Xilka kasoo Qabtey Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland. (3) Dhinaca Deeqsinimada:-Sidii uu Murrashax Cabdiraxmaan Cirro, ugu hagar baxey Dhismaha Maamulka iyo Maareynta Waddani Xiligii uu Ururka ahaa Dalka oo dhan oo uu Xafiisyo ka Furtey Degmooyinka iyo Gobolada, iyo Sida uu uga Qeyb qaato Qaadhaan-bixinta Duruufaha Danyarta, inta Muuqata iyo inta Qarsoon taas oo qeyb ka ah Sifaha Hogaamiye innuu Wax ka bixiyo Wixii gacantiisa kujira Maadaama, aannu Nin Bakheyl ahi noqon karrin Hogaamiyaha Dhabta ah, qoddobkaas oo Dhinaca Drka ay Markhaati u noqonayso dhaqaalaha Danyarta kaga baxa aragtidiisa Dhakhtarnimo. (4)-Dhinaca Hadalka:- oo isaguna Muhiim u ah in Hogaamiyuhu Noqdo Mid hadal Dabacsan, oo Kooban ku Gudbiya Fariintiisa Bulshada uu u Gudbinayo, taas oo Cabdiraxmaan Cirro ku Fiicnaa Mudo dheer Hadal Bilaa Cunfi ah Marka laga reebo indhaweyd iyo Muranka Siyaasiga ah ee Xiligan Taagan(Marxaladii Siidhiga). (5)-Dhinaca Kalsoonidda:-Qoddobkani Waxa uu Daahfur u yahey in Hogaamiyuhu Noqdo Mid ay Ka muuqato Kalsooni Dhinacyo badan ah, Taas oo had iyo jeer Murrashax Cirro laga Dareemo in uu Markasta Diyaar u yahey Kalsoonina Ku Qabo Tartan Xalaal ah oo uu Ku Calafqaado, iyadoo Mustaqbalkana Ka Muuqan Karta Hadii uu Guulaysto indu Soo dhisi doono Xukuumad tayo leh. Faaladii; Suxufi Cabdiraxmaan Hiiraan. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|