|
|||||
WAJAALE NEWS
Aqalka Wakiilada Maraykanka Oo Qaaday Talaabo lagu Xoojinayo Xidhiidhka Iskaashi Ee Udhexeeya Somaliland!
July 8, 2022 - Written by Editor:USA(W,N)-Guddida Addeega Hubka Aqalka Wakiilada Maraykanka, ayaa waaxda difaaca usoojeedisay in la amba qaado xidhiidh amni oo Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan. Guddida ayaa soojeedisay in dowlada Maraykanku Somaliland la kaashato sugida amniga gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay iskaashi kala yeelato iswaydaarsiga xogta sirdoonka, dhoolatusyo wadajira oo ay sameeyaan labada ciidan, howlgalada badaha oo ay wada fuliyaan iyo tababaro lasiiyo ciidanka Somaliland. Xukuumada Somaliland ayaa bogaadisay talaabada ay guddida adeegyada hubku qaaday, iyadoo qoraal kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington, ay xukuumada Somaliland ugu sacabo tuntay talaabadan. “Jamhuuriyada Somaliland waxay bogaadinaysa talaabada ay maanta qaaday Guddida Adeega Hubka ee Wakiilada Maraykanka, si ay u horumariso iskaashi amaan oo xooga oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington. Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka ayaa u muuqda mid u socda xaga wadajirka tan iyo markii bishii March uu madaxweyne Biixi safar ku tagay Washington, safarkaasi oo Maraykanka kaga doonayay iskaashi iyo saxiibtinimo. Related posts:Nuxurka Kulan Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye La Yeesheen Xubno Ka Mid Ah Qurba Jooga Xisbiga ... Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Jsl Oo Dhexdhexaadiyay Khilaaf Ka Dhex Qarxay Wasiirka Ciyaaraha Iyo ... Ex Wasiir Shucayb Maxamed Muuse Oo Deeq Buugaag Ah Gaadhsiiyay Dugsiyada Waxbarasho Ee Magaalada Waj... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|