Xubnaha Cusub Ee Komishanka Doorashooyinka Oo la Filayo In La Horkeeno Golaha Wakiilada Iyo Tirada La Saadaalinayo In Goluhu Soo Celiyo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xubnaha Cusub Ee Komishanka Doorashooyinka Oo la Filayo In La Horkeeno Golaha Wakiilada Iyo Tirada La Saadaalinayo In Goluhu Soo Celiyo!
June 19, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Fadhiga Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland Ee maalinta bari ah la filayaa in la horkeeno 7xubnood ee komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub Kuwaasi oo loo qaadi doono codka kalsoonida ee in xubnaha Komishanka la ansixiyo iyo qaarkood lasoo celiya iyadoo loo Eegayo shuruudaha looga baahan yahay xubinta noqonaysa Komishaneer sida uu dhigayo sharcigu.

Hadaba wararka laga helayo ololaha loogu jiro sidii loo ansixin lahaa xubnaha komishanka cusub oo qaarkood ahaayeen masuuliyiin xilal haya iyo kuwo xilal kasoo qabtay xukuumada madaxwayne Biixi.

Sidoo kale wararka laga helayo xaraarada Ansixinta xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka ayaa intaa ku daray in xubnaha cusub ee aan shuruuda dhexdhexaadnimo aan buuxinayay islamarkaana ay cadahay in ay xil xukuumada hayeen amaba hore usoo qabteen islamarkaana ay xisbi xakimka kulmiye katirsan yihiin ayaa lagu wadaa in xildhibaanada golaha wakiiladu soo celiyaan iyagoo gudanaya masuuliyada ay umada uhayaan.

Xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka ee golaha Uu usoo gudbiyay madaxwayne biixi ee sida gaarka farta loogu fiiqayo lagu wado in uu golaha wakiilada soo celiyo ayaa waxa kamid ah Gudoomiyihii haayada dhawrista taya (1) Muuse Xasan Yuusuf oo uu madaxwaynuhu soo magacaabay (2)Mareeyihii hore ee haayada wadooyinkaa ahaana musharax utartamaya doorashadii golaha wakiilada kana tartamay gobolka sanaag wallow aanu soo bixin balse kamid ah xubnaha ugu horeeye ee sugayaasha xildhibaanada golaha wakiilada kana mid ah xisbiga kulmiye uuna soo magacaabay gudoomiyaha golaha guurtida, (3)Badhasaabkii hore ee gobolka sanaag oo isna katirsan xisbiga kulmiye uuna soo magacaabay madaxwayne biixi.

(4);xubinta uu soo magacaabay xisbiga waddani ayaa isna laga cabsi qabaa in ay mudanayaasha golaha wakiiladu soo celiya uuna waayo codka kolsoonida kaasi oo la xidhiidhiyo in uu kamid ahaa golaha dhexe ee xisbiga Waddani iyo in aanay dadiisu gaadhi intii looga baahnaa xubinta kamid noqonaysha komishanka doorashooyinka.

Isku soo wada duub oo xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka ayaa umuuqda inay noqonayaa komishankii ugu tirada badnaa ee ay golaha wakiiladu soo celiyaan sobobo la xidhiidha in aanay ahayn xubno noqon kara dhexdhexaadnimadii looga  taasi oo lagu wado kalabadh in ay waayaan codadka kolsoonida ee golaha wakiilada taasi oo ay sobob unoqonayso xulashada meelihii ay ka kala yimaadeen.

Waxaana laga war sugi doonaa  natiijada kazoo baxda fadhiga golaha wakiilada ee lagu ansixinayo xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka, wallow ay jiraan dhaq dhaqaaqyo iyo  olole qabyaaladaysan oo xubnaha cusub ee komishanka qaarkamid ah in loogu raadinayo codadka xildhibaanada kuwaasi oo aan sharciyan buuxinin shuruudihii looga baahnaa taasi oo hadii ay hirgasho shaabad iyo masuuliyad daro ku noqonaysa golaha cusub ee wakiilada Somaliland oo shacabka iyo asxaabta siyaasada ka filayaan in qaranka iyo masuuliyada ay hayaan ka gutaan xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka oo laga doonayo in ay soo xulaan komishankii lagu aamini lahaa qabashada doorasho xor iyo xalaal ah laguna wada kalsoonaan karo.

WAJAALENEWS DESK;

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS