“Xisbiyada Mucaaridku May Samayn Wax Rabshado ah, Balse Waxaad Arkaysa Ciidamo Rasaas La Dhacaya Shacabka Iyo Hooyooyin Ay Garaacayaan”Gudoomiye cabdirashiid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xisbiyada Mucaaridku May Samayn Wax Rabshado ah, Balse Waxaad Arkaysa Ciidamo Rasaas La Dhacaya Shacabka Iyo Hooyooyin Ay Garaacayaan”Gudoomiye cabdirashiid
June 10, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha urur siyaasadeedka jiilka cusub ee Curad cabdirashiid xasan mataan ayaa ka hadlay mudo haraadkii maalintii shalay mucaaridku sameeyeen iyo sidii ay ula dhaqmeen ciidamada boolisku oo rasaas nool u adeegsaday dadka shacabka ah.

Sidoo kale siyaasi cabdirashiid xasan mataan ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in uu xaalada dajiyo lagana wado hadalo sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho

Dhanka kale gudoomiye cabdirashiid ayaa dhaliilay hadal ay banana baxa mucaaridka kaga jawaabeen masuuliyiinta xukuumadu oo iyagu sheegay in talaabo laga qaadayo shacabka mudo araadka salmiga dhigaya.

COMMENTS
LINKS