“Waxaanu Ku Wargalinaynaa Dhamaan Macaamiisha Sharafta Leh Iyo Dadweynaha In Aysan Rumaysan Dacaayadaha Iyo Been Abuurka”Shirkada Dahabshiil Group | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaanu Ku Wargalinaynaa Dhamaan Macaamiisha Sharafta Leh Iyo Dadweynaha In Aysan Rumaysan Dacaayadaha Iyo Been Abuurka”Shirkada Dahabshiil Group
June 13, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-War-saxaafadeed  Kasoo Baxay Shirkada Dahabshiil Group ayaa macaamiisheeda iyo Dadwaynaha lagu wargaliyay in aanay rumaysan dacaado iyo facebookyo been abuur ah oo lagu samaynstay magaca qaybo kamid ah shirkada iyo magaca maamulaha guud ee shirkada Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale kuwaasi oo lagu faafiyay warar been abuur ah oo ka dhan ah adeegyada shirkadu ay bixiso.

Ogaysiin ku Socota Macaamiisha iyo guud ahaan shacabka;

Shirkaddaha Dahabshiil Group iyagoo u mahadcelinaya macaamiishooda, waxay u cadaynayaan in dhammaan adeegyadda Dahabshiil oo uu ka mid yahay Dahabshil Bank ay si caadi ah uga shaqaynayaan dhammaan wadamadda iyo gobollada ay ka shaqayso.

Waxa noo soo baxday in ay jiraan dacaayado iyo qoraalo been abuur ah oo Facebook-ga lagu faafiyay oo lagaga been abuurayo shirkado ay ka mid yihiin Dahabshiil Bank, Somtel iyo maamulaha guud ee Shirkaddaha Dahabshiil Group Abdirashid Duale.

Waxaanu ku wargalinaynaa dhamaan macaamiisheena sharafta leh iyo dadweynaha in aysan rumaysan dhammaan dacaayadaha iyo been abuurka, Waxaan u gudbinay qoraaladaa beenta ah iyo cida qoraysaba hay’adaha ay khuseyso si tallaabo deg deg ah looga qaado, oo sharciyada gudaha iyo dibaddaba waafaqsan.

Sidaa daradeed Waxaanu dhamaan macaamiisha ka codsanaynaa iyo cidii kale ee ka soo hor jeeda been abuurka, xaasidnimadda, isku dirka beenta ah iyo wax alaala wixii xumaan ah in ay iyaguna qaadan talaabadda ay u arkaan inay haboontahay oo hay’adaha ay khusayso u gudbiyaan oo Facebook ka mid yahay (Report Page).

Shirkaddaha Dahabshiil Group waxay ku faraxsanyihiin in xidhiidh shaqo oo wanaagsan iyo tartan caafimaad qaba ay la leeyihiin shirkadaha kale.

Wixii ogaysiis ama qoraal ah ee ka imanaya shirkaddaha Dahabshiil, Dahabshil Bank, Somtel iyo maamulka shirkadda oo uu ka mid yahay Abdirashid Duale waxay ku soo baxaan kaliya bogagan rasmiga ah ee shirkadda ee ay xaqiijisay Facebook (Blue Tick).

Wixii talo iyo Tusaalo ah ama macmluud dheeri ah, nagala soo xidhiidh cinwaanadan hoose:

E-mail: info@dahabshiil.com

https://www.facebook.com/Dahabshiil

https://www.facebook.com/Dahabshilbank

https://www.facebook.com/somtel4u

Allaa Mahad Leh –

COMMENTS
LINKS