Wasiiro Xukuumada Somaliland Katirsan Iyo Maalgashadayaal Udhashay Dalka Sucuudiga Oo Kormeer Ku Tagay Mashruuca Banka Wajaale Ee Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiro Xukuumada Somaliland Katirsan Iyo Maalgashadayaal Udhashay Dalka Sucuudiga Oo Kormeer Ku Tagay Mashruuca Banka Wajaale Ee Gobolka Gabiley.
June 17, 2022 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Wefti ay hoggaaminayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan iyo Wasiirka Maalgeshiga Somaliland, ayaa waxay Maanta Gobolka Gabiley kormeer ku geeyeen Wefti ballaadhan oo ka socday Dalka Sucuudiga.

Weftiga oo ay ka mid ahaayeen Maareeyaha Komiishanka Tamarta ee Somaliland Maxamed Faarax Cadarre iyo Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha Eng. Mowliid Xasan Cabdi, ayaa wax halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka Degmad Gabiley oo uu hoggaaminayey Maayarka Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

Weftiga ka socda Dalka Sucuudiga oo ka kooban 16 Maalgeshade, ayaa waxay Wasiirrada iyo Xubnaha kale ee Dawladdu soo mariyeen Magaalo-ganacsiyeedka Wajaale, gaar ahaan suuqa Magaaladaasi, si ay eegaan Fursadaha Maalgeshi ee ka banaan.

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, Wasiirka Maalgeshiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan, ayaa markaa ka dib waxay Weftiga Maalgeshadeyaasha ah geeyeen Mashruuca Banka Wajaale ee Wasaaradda Beeraha JSL.

Waxa halkaa Weftiga ku soo dhaweeyay Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale Mowliid Xasan Cabdi, waxaanu u sharraxay dalagyada Wasaaraddu ku beerto noocyadooda, xilliyada la beero iyo dedaalka ay Wasaaradda Beeruhu ugu jirto inay sii ballaadhiso wax soo saarka ay halkaa ka samayso.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgeshiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa bogaadiyey dedaalka Wasaaradda Beeraha ee dhinacyada badan leh, sida Mashruuc Banka Wajaale oo sannad walba dhowr jeer la beero.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac oo isaguna Weftiga la hadlay, ayaa u sharraxay ahmiyadda Dawladda Somaliland siinayso Maalgeshi lagu sameeyo dhul-beereedkeeda, sidaas darteed ay Weftiga ka socda Dalka Sucuudiga ay ku soo dhaweynayaan dalka, maaddaama oo ujeeddada socdaalkoodu tahay inay eegaan fursadaha ka banaan dhul-beereedka Somaliland, si ay Maalgeshi ugu samaystaan.

Wasiir Maxamed Xaaji Cismaan, ayaa weftiga u tilmaamay Inay Somaliland soo dhaweynayso Cid kasta oo danaynaysa Inay dalka Maalgeshi ka samaysato, sida Maalgeshiga Beeraha, maaddaama oo Somaliland hodan ku tahay Dhul ku habboon Beerashada.

Gebogabadii, waxa Weftiga ay hoggaaminayeen Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Maalgeshiga ee ka socday Sucuudiga hadhimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyay Maayarka Magaalada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

 

COMMENTS
LINKS