Wafti Ka Socda Midowga Yurub Oo Kulan La Qaatay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Ka Socda Midowga Yurub Oo Kulan La Qaatay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Jsl.
June 3, 2022 - Written by Editor:

Wafti Ay Hogaaminaysay Safiirka Midowga Yurub oo soo booqday Gudoomiyaha Maxkamada Sare JSL.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Adam Xaaji Cali Axmed, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Xubno kale oo waftigeeda ah.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd is-xog-waraysi guud oo la xidhiidha xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan.

Guddoomiyaha iyo waftigu waxa ay is  waydaarsadeen fikrado badan. Waxa kale oo ay ku balameen in xidhiidhka la sii xoojiyo mustaqbalka sidii awalba loo wada shaqayn jiray.

Kulankuna waxa uu ku dhamaaday  jawi fiican.

COMMENTS
LINKS