Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Ku Eedeeyay In Uu Urursaday Dad Shacabka Oo Haysta Hub Sharci Daro Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliska Ciidanka Booliska Jsl Oo Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Ku Eedeeyay In Uu Urursaday Dad Shacabka Oo Haysta Hub Sharci Daro Ah
June 18, 2022 - Written by Editor:

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sheegay In Musharaxa Madaxwayne Ee  Xisbiga Waddani Uu Gurigiisa Ku Urursaday Dad Shacab Ah Oo Haysta Hub Sharci Daro Ah.

Warsaxafadeed:

Sida ku cad Qodobka 124 Ee dastuurka JSl iyo xeerka Booliska 63/2013 waxa Ciidanka Boolisku u xil Saaranyahay Amniga Gudaha, waxayna ilaaliyaan qof kasta oo muwaadina Hantidiisa Naf iyo Maal oo ay ka mid yihiin Madaxda Asxaabta Qaranku.

Boolisku isago gudanaaya Wajibaadkiisa sharci waxa uu madaxda Asxaabta Qarnaka la siiyay Ciidan ku filan ilaalinta Naftooda,Guryahooga iyo Xafiisyadooda, Iyadoo waliba loogu xoojiyay xubno ciidan oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ( military).

Ciidanka Boolisku waxay la socdeen mudo laga joogo laba week uu musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) uu ka soo guuray Gurigisii Hore oo ku yaalay Xaafada pebsiga Ee galbeedka Magaalada Hargeysa soona dagay Guri Cusub oo ku Yaal xaafada Hodan Hilis Ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Hadaba Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in Todobadkii u dambeeyay ay gurigaa Musharaxu Daganyahay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci Daro ah u Hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay Ciidanku ka hayaan gurigaas joojiyana Dadka Shicibka ah,  Baadhana Baabuurta Mararka Qarkoodna Ridaan Rasaas Dhamaantoodna ku labisan Direys Tuute ah.

Hadaba waxa lala socodsiinayaa ummadda Jamuuriyada Somaliland ee Nabad-galyada Jecel in ay soo kordheen arimahaas aanu kor ku soo sheegnay oo inagu cusub haday sii socotana noqonasa Dambi khiyaamo Qaran, Sida ku Cad qodobka 221 ee xeerka ciqaabta Guud.

Sidaa Darteed waxaanu uga Digaynaa musharaxa Xisbiga WADDANI iyo Cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay is

ka fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta Ciidamadii Qaranka ee amnigooda Sugaayay .

Waxaanaanu u gudbin donaa  xeer ilaalinta iyo maxakamada awooda u leh arintaasi aanu kor ku soo  xusnay masuuliyadeeda.

Warkan ayaa lagu Baahiyay Boga ciidanka Booliska Jsl Ku leeyihiin Facebookga.

COMMENTS
LINKS