Safiirka Somaliya Ufadhiya Kenya Oo Ka Baxay Shir Madaxwayne Uhuru Kenyata La Lahaa Wakiilada Ku Sugan Dalkiisa Oo Ay Kamid Ahayd Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Somaliya Ufadhiya Kenya Oo Ka Baxay Shir Madaxwayne Uhuru Kenyata La Lahaa Wakiilada Ku Sugan Dalkiisa Oo Ay Kamid Ahayd Somaliland
June 14, 2022 - Written by Editor:

NARIOBI(W,N)-Safiirka u fadhiya Soomaaliya Kenya oo lagu magacaabo Mohamed Tarsan ayaa waxa uu ka duday shir uu Madayweynaha Kenya Uhuru Kenyatta isugu yeedhay safiirada caalamka ee ku sugan Nairobi.

Madaxweynaha Kenya H.E Uhuru Kenyatta ayaa warqad casuumad ah u diray qunsulka Somaliland u jooga Nairobi Mohamed Barwani, si uu uga soo qaybgalo shirka loo qabanayo safiirada caalamka.

Mohamed Tarzan ayaa lama filaan ku noqotay markii uu arkay Ambassador Mohamed Barwani oo matalaya Jamhuuriyada Somaliland oo ka mid ah martida lagu casuumay shirka, waxana uu dibadda uga baxay shirka.

Dhanka kale Safiirka  Jamhuuriyada Somaliland u jooga Dalka kenya Ambassador Mohamed Ahmed Barwani oo Calanka jamhuriyadda somaliland horyaalo ayaa khudbad u jeediyey safiirada caalamka, madasha ayaa waxa ku sugnaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo safiiro ajaanib ah.

Amb.Mohamed Barwani waxa uu u sharaxay marti-sharafta shirka joogtay in madaxbanaanida Somaliland ay tahay doonista shacabka Jamhuuriyada Somaliland, ayna u shaqaynayaan isla shacabkaas.

COMMENTS
LINKS