Maxbuus Xabsiga Madheera 16Sano Ugu Xidhan Mag Qiimaheedu Dhan Yahay $2000! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxbuus Xabsiga Madheera 16Sano Ugu Xidhan Mag Qiimaheedu Dhan Yahay $2000!
June 20, 2022 - Written by Editor:

Xoghayaha arimaha bulshada ee xisbiga Waddani Maxamed Siqiid Dhame oo booqday jeelka madheera ayaa kula kulmay dhacdo damqasho leh muwaadin udhashaydalka itoobiya oo mudo 16sano ah jeelka madheera ugu xidhan mag qiimaheedu dhan yahay 2000$ kaasi oo aan wax ehel ah ku lahayn Somaliland.

Xoghaye Dhame ayaa qoraal uu maxbuuskaasi kaga hadlay ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Xaalada bani’Aadanimo Oo Xabsiga Madheera Taal ! Waxa ku xidhan Xabsiga Madheera Maxbuus Daahir Qaasin Cabdalle, da’adiisu waa 45 jir, wuxuu xidhnaa 16 sano, wuxuu u xidhan yahay Mag qiimaheedu yahay $2000, Somaliland kuma laha ehel iyo qaraabo ka bixiya Magta uu u xidhan yahay muddada dheer.  Daahir wuxuu kasoo jeeda Qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, wuxuu haystaa Diinta Islaamka. ummad ahaan xilbaa innaga saaran xorriyadda Daahir. waxaan ka codsanayaa Muxsiniinta iyo dadka wanaaga jecel in ay iska kaashadaan Furdaaminta Daahir. Xafiiska Xuquuqal Iinsaanka Qaranka waxaanu u diraynaa qaylo dhaan in Maxbuuska loo gurmado.

 

COMMENTS
LINKS