Madaxweyne ku-xigeenka Jsl Oo Degmada Kala-baydh Kusoo Dhaweeyey Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku-xigeenka Jsl Oo Degmada Kala-baydh Kusoo Dhaweeyey Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo.
June 14, 2022 - Written by Editor:

Boorama(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan xubno kamida Golaha Wasiirada, Xildhibaano masuuliyiin kale ayaa maanta  dalka kusoo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida  Mudane, Mustafe Muxumed Cumar  iyo wafti uu hoggaaminayey oo socdaal kusoo gaadhay Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waftiga Deegaanka kusoo dhaweeyey Duleedka Degmada Kala-balaydh ee Gobolka Gabiley, waxaana uu halkaasi uga sii gubiyey Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, Maamulka heer gobol iyo heer Degmo iyo Bulshada kala duwan ee Gobolka Awdal ayaa waftigaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyey  Deegaanka Gorayo-cawl ee Duleedka Boorama, waxaana waftiga loo gelbiyey dhankaa iyo gudaha Boorama halkaasi oo loogu sameeyey hadhimo-sharafeed.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal  Maxamed Xasan Caalin (Tiim-baro) oo ka  hadlay soo dhaweynta Waftiga Madaxweynaha Dawladd Deegaanka Soomaalida ayaa Bulshada ku dhaqan Boorama uga mahad celiyey sida ay usoo dhaweeyeen waftiga sidoo kalena waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiiradda Wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyada Mudane, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi iyo Horumarinta Maal-gashiga iyo Warshadaha Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare  oo iyaguna sheeggay inay waftiga si miisaan leh ugu soo dhaweynayaan Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal.

Dhanka kalena Hoggaanka Nabad Gelyada Deegaanka Mudane, Mubashar Dubadd Raage oo ayaa Xukuumada Somaliland iyo Shacabka Boorama ugu mahad celiyey soo dhaweynta aan loo kala hadhin ee ay ku qaabileen, waxaana uu sheegay in Dawladda Deegaanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhaxeeyo Xidhiidh walaalnimo oo iskaashi  kaasi oo ah dhanka Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Horumarka iyo Aqoonta.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalilanda Mudane, Mustafe Muxumed Cumar ayaa maalinta beri ah Khudbad ka u jeedin doona Ardayda dhigata Jaamacada Jacamuud ee Magaalada Boorama

COMMENTS
LINKS