|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Midowga Yurub.
June 2, 2022 - Written by Editor:Hargeysa-(W.N)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Midowga Yurub, Amb. Tiina Intelmann oo ay wehelinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi. Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh Jamhuuriyadda Somaliland iyo Abaaraha ku soo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay Somaliland iyo sidii ay midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub. Madaxweynaha waxa ku wehelinaayey kulankaasi wasiir ku xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille. Related posts:Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo maanta geeriyooday! Shir Caalamiya oo Lagaga Hadlayay Isbedelka Cimilada Dunida oo lagu Qabtay Dal Maroco Iyo somalila... DAAWO: Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Cabdilaahi Ciro Oo Bedka Soo Dhigay Dulmiga, Cadaalad Darada... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|