|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Jsl.
June 29, 2022 - Written by Editor:WAREEGTO MADAXWEYNE: 29 /06/2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-892/062022 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Siciid Xasan Habbane laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Related posts:“Bal Day Waa Maato Iyo Maxas Dumar Iyo Caruur ah, Dadka Loo Nisbaynayo Ee Loo Ciqaabayo Dilalkii Ka ... Diblumaasiyiin Maraykan Ah Oo Dawladdooda Iyo Midowga Afrika Culays Ku Saaraya In La Aqoonsado Somal... Daawo: Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Dalka Dib Ugu Soo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|