Madax-dhaqameedka Beelaha Garxajis Iyo Subeer Awal Oo Markale Kulan Ku Yeeshay Magaalada Hargeysa Iyo Arimaha Ay ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax-dhaqameedka Beelaha Garxajis Iyo Subeer Awal Oo Markale Kulan Ku Yeeshay Magaalada Hargeysa Iyo Arimaha Ay ka Wada Hadleen!
June 5, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxdhaqameedka beelaha Subeer awal Iyo Garxajis ayaa markale kulan ku yeeshay magaalada hargaysa kaasi oo ay kaga wada hadlayeen xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka udhexeeya xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka Ah.

Kulankan oo uu Hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmnaa oo ay weheliyaan madaxdhaqameedka beeshiisu kaasi oo daba socday kulankii hore ee uu  gogoshiisa  dhigay Suldaan Xasan ayaa waxaa kazoo qaybgalay madaxdhaqameedka beelaha garxajis Oo uu hogaaminayay Suldaan Cabdiraxmaan Cismaan (Cada Gude) iyo Xubno Mujaahidiin Ah oo kazoo kala jeeday labada beelood.

Dhanka kale kulanka madaxdhaqameedka beelaha subeer awal Iyo Garxajis ayaa lagu magacaabay Gudi 20xubnood ah oo ka kooban labada dhinac.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

COMMENTS
LINKS