“Ma Werwerin Tan Iyo Markii Aan Si Joogto Ah Ubooqday Somaliland”Khabiir Michael Rubin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ma Werwerin Tan Iyo Markii Aan Si Joogto Ah Ubooqday Somaliland”Khabiir Michael Rubin.
June 21, 2022 - Written by Editor:

“Waxyeellooyinka digniinaha safarrada ee balaadhan waxay wax u dhimaysaa amniga gobolka, xidhiidhka Maraynkaa iyo amniga Qaranka ee mustaqbalka.”

Warbixin dheer oo lagu daabacay wargayska the national interest uu qorayna Michael Rubin oo ah khabiir ka tirsan machad American Enterprise Institute ayaa xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka ugu baaqay inay wax ka bedelaan digniinaha socdaal ee ay ka bixinayaan gobolka geeska Afrika.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu daray inaan loo safri karin tahay mid khiyaali ah taasi uu khabiirku sheegay inuu ku ogaaday safaradii kala duwanaa ee uu ku tagay Jamhuuriyadda Somaliland.

Khabiir Michael Rubin oo ka waramayey safar ay isaga iyo inantiisa yari ku yimaadeen Somaliland waxa uu sheegay. “Ma werwerin tan iyo markii aan si joogto ah u booqday Somaliland, waxaan ogaaday in digniinta safarrada ee wasaaradda Arrimaha dibada Maraynaku been xaqiiqda ka fog tahay. Inantaydu waxay qaadatay wakhti wanaagsan. Waxay la ciyaartay Adhi, waxay booqatay beerta Geela, waxay aragtay qaar ka mid ah aasaarta dunida ugu cimri dheer” ayuu ku sheegay warbixintan dheer ee uu kaga hadlay amaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadu inay boggeeda hore ku daabacdo warbixin aan sax ahayn waa inay ceebayso nabada Somaliland, haa! caasimada Somaliya ee Muqdisho nabad umaha ah reer galbeedka balse taasi waxay ay u jirtaa 900 oo mayl caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargaysa, in labadoodaba si isku mid ah loo qiimeeyaa  waxay ka dhigan tahay iyadoo dadka looga digo beerta Vineyard ee Martha sababtoo ah dilalkii ka dhacay New jersey.

Waxaanu warbixintan dheer ku sheegay in digniinta safarrada ee aan saxda ahayni ay saamayn ku yeelan doonto siyaasadda Geeska ee dalka Maraykanka waxaanu maamulka Madaxwayne Biden iyo xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Maraykanka ugu baaqay inay wax ka beddelaan digniinta safarrada ee gobolka.

 

COMMENTS
LINKS