Laydhka, maciishadda, biyaha iyo caafimaadku oo daruuri u ah nolosha bulshadda reer Somaliland waxa uu sicirkoodu gaadhay meel ay adag tahay..W/Q Musharax Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laydhka, maciishadda, biyaha iyo caafimaadku oo daruuri u ah nolosha bulshadda reer Somaliland waxa uu sicirkoodu gaadhay meel ay adag tahay..W/Q Musharax Cirro.
June 5, 2022 - Written by Editor:

Hargeisa(W.N):-W/Q Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro

Laydhka, maciishadda, biyaha iyo caafimaadku oo daruuri u ah nolosha bulshadda reer Somaliland waxa uu sicirkoodu gaadhay meel ay adag tahay in uu qiimahooda jaro shacabka masaakinta ah ee aan haysan Xukuumad mas’uuliyaddii ay mudnaayeen iska saaraysa xil oo danahooda ka shaqeynaysa. Ujeedada ugu weyn ee Qarannimo u jirtaana waa inay Dawladnimadu dammaanad qaaddo baahiyaha aasaasiga ah ee muwaadiniinteeda, ma aha inay ka shaqayso keliya sidii ay xukunka u haysan lahayd.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhammaanayo dhawaan waxa uu bil ka hor Golaha Barlamaanka hortiisa ka sheegay in uu sicir bararku joogo halkii ugu hoosaysay, taas oo ahayd marin habaabin weyn iyo hoosaasin dhalanteed ah oo waaqica ka fog. Maanta Shacabka reer Somaliland waa isbeddel doon, oo waa nololdoon, waxa ayna diyaar u yihiin doorasho ay ku helaan Dawlad noloshooda dammaanad qaadda.
Shacabka Somaliland rejada keliya ee ay haystaan waa Xisbiga WADDANI ballankeennuna waa Isku haynta dalka iyo dadka.

COMMENTS
LINKS