|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ka Aamuska Saxafiyiinta Iyo Siyaasiyiinta Xidhani, Waxa Uu Ina Gayeysiin Doonaa In Dalku Gaadho, Meel Aan Laga Soo Celin Karin” Mahamed Dhimbiil.
June 18, 2022 - Written by Editor:“Madaxwayne Dalka Mustaqbalkiisa Iyo Isku-wadka Dadka Jamhuuriyada Somaliland Utudh, Oo Shuruud La’aan Kusoo Daa Siyaasiyiinta, Saxafiyiinta Iyo Samo-faleyaasha Jeelasha Iyo Saldhigyada Kuugu Jira”Mahamed Dhimbiil. ( Hadii Aanad Xaqa ka Hadli Karin Baadilka Gacan Ha Siinin ) Taariikhda Jamhuuriyada Somaliland may dhicin in la xidho siyaasiyiin tirada maanta xidhan leeg oo xabsi loo taxaabo , manay dhicin afartii sanadood ee ugu dambeeyay tirada saxafiyiinta la xidhay intii ka horeysay marka laga reebo maalin xukuumadii Siilaanyo gelelaftay televisionka HCTV mooyaane oo ilaa 22 qof la xidhay. Dalkani waxa uu ku faanaa oo uu aduunka ka iibiyaa waa nabadgalyo, doorashooyin , xoriyatul qawl iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha oo intuba maanta halka ay marayaan marka aad eegto aanay waligeed hore u dhicin , waxaa la gaadhay wakhti kooxo hubeysan iyo maafiyo dadka magaalooyinka ku dhex laayaan , ciidamo aan la garaneyn dadka guryo ku soo xidhaan oo cidii ay doonaan qafaashaan. Waxani oo dhan waxa looga dan leeyahay ama ujeedadiisu tahay waa hal qodob oo ah in umada la baqo galiyo oo cabsi loogu abuuro , waligeed la isma lahayn halkani ayey Jamhuuriyada Somaliland wax gaadhayaan , waxa culeys la saaray dhamaan warbaahintii madaxa banaanayd oo dagaalo dadban iyo qaar toos ahba lala galay badhna jeelasha lagu guray , ujeedka ugu weyni waa isha Cali ka lulata ha ahaado arinku. Waxa aan cambaareynayaa guud ahaan falalkii dhacay maalintii mudaharaadka kuwaasi oo ay ka dhex muuqdeen foolxumooyin waaweyn oo ay ka mid tahay haween ciidamo laag la dhacayaan , gudoomiyaha mucaaridka ee waddani oo ilaaladiisa baabuur ciidamada police ka ee sida gaarka u tababaran ay jiidhayaan. Sidoo kale waxa aan waligeed hore loo arag una dhicin in siyaasiyiin iyo xisbiyahano xabado lala dhaco , wax hore loo arkey maaha , isku soo wada xoori maah-maah soomaaliyeed ayaa tidhaahda hadii ay gacani timaado gari hadhay , waxii maalintii mudaharaadka dhacay ayaa ka daran in ogolaansho la’aan iyo si lama filaan ah isku soo baxaasi ku dhacay , waxaana uu Jamhuuriyada Somaliland ka bixiyey sawir xun. Ka aamusnaanta laga aamuso qaladaadka tirada badan ee dalka ka dhacayaa waxa ay ina gayeysiin doontaa oo ay dalka gaadhsiin doontaa meel aan laga soo celin karayn , madaxweynaha talada haya waxa ay u muuqataa hab dhaqankani in uu laba mid uun ka yahay ; 1;Ciilqab Aanu Rajo ka lahayn Qarankani Oo qofwaliba oo Maalin wax yidhi uu ka Aargoosanayo Isaga Oo Adeegsanaya Awoodaha Dawlada. 2-In aanu haysan cid u nasteex ah oo marqudha ku tidhaahda madaxwayne waxaasi waa qalad ee ka joog . Markaa anaga ayaa ku leh Madaxwayne Dalka mustaqbalkiisa Iyo Isku-wadka dadka jamhuuriyada Somaliland u tudh oo shuruud la’aan ku soo daa siyaasiyiinta , saxafiyiinta iyo samofaleyaasha jeelasha iyo saldhigyada kuugu jira , dalka iyo Siyaasadiisana ku soo celi xayndaabka deganaanshaha , wadatashiga isku tanaasulka oo dalkani ku soo caano maalay . QALINKII; Mohamed Abdi Jama “M. Dhimbiil”
Related posts:Waraysiga Jendayi Frazer Waxa Uu Markhaati Uyahay In Maraykanku Uu Doonayo In Somaliland Ay Noqoto W... Culimo Awdiinta Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Dalka Iyo Nuxurka Qodobada Ay Soo S... Daawo:Waftigii Balaadhnaa Ee Ka Soo Baqoolay Dalka Jabuuti Oo Maanta Soo Kormeeray Taliska Guud Ee ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|