|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Suuq Cusub Oo loo Dhisay Kaamka Qalax Ee magaalada Hargaysa.
June 28, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka JSL ayaa maanta xadhiga kajaray Suuq Cusub oo loodhisay kaamka Qalax ee magaalada Hargeysa oo ah kaam ay kunoolyihiin dad Barakacayaal ahi. Xafladda xadhiga lagaga jarayey suuqa cusub ee loodhisay kaamka Qalax oo lagu qabtay isla kaamkaasi ayaa waxa kasoo qayb galay guddoomiyaha HQBQ, Badhasaabka gobolka Maroodijeex, Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa, masuuliyiin saresare oo kasocday hay’addaha #UNHCR, ACTED iyo NRC, masuuliyiin kale iyo xubno kasocday bulshada kaamka kunool. Guddoomiyaha HQBQ oo halkaasi hadal kajeediyey ayaa uga mahadnaqay hay’adda UNHCR oo mashruucan dhaqaalaha kubaxay bixisay isaga oo sidoo kale bogaadiyey hay’adda ACTED oo lahayd fulinta dhismaha suuqa ama Sariibaddan maanta xadhiga laga jaray. Dhanka kale hay’adda #NRC ayaa 32 qof oo kamid ah dadka kaamka Qalax kuwareejisay lacag maalgelin ah oo ay kubilaaban karaan ganacsi si ay uga faa’idaystaan suuqa maanta lagu wareejiyey. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Daawo:Wasiirka Wasaarada Dalxiiska Somaliland Oo Si Indho La,aan Ah Uga Difaacay Marwo Aamina Waris ... Madaxwaynaha Dalka Tiawan Oo Qaabishay Waftigii Ka Socday Xukuumada Somaliland Iyo Arimaha Ay Ka Wad... DAAWO;-Wasiiro Xukuumada Somaliland Ka Socday Oo Furay Shirka Nabadaynta Ardaayada Adhicadeeye Ee Go... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|