|
|||||
WAJAALE NEWS
Fadhigii Golaha Wasiirada Somalilland Oo Laga Soo Saaray Go,aamo Xasaasiya Iyo Arimaha Ay Khuseeyaan.
June 16, 2022 - Written by Editor:Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Oo Lagu Go’aamiyey In La Joojiyo Mashaariicda Horumarineed Ee Ku Jira Odoroska Miisaaniyadda Sannadeedka 2022-ka. War-Saxaafadeed-16-06-2022-()-Fadhigii 93aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey ka soo baxeen qodobo muhiim oo diirada lagu saaray arrimo kala duwan oo qaranka dan u ah. Sidoo kale Goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Diinta iyo Awqaafta. Ugu horanna waxa golaha war-bixin la xidhiidha amniga qaranka la wadaagay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaalada amni ee dalku inay tahay nabadgelyo ah. Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha arrimaha siyaasada dibeda ka dhegeysteen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud oo muddooyinkii u danbeeyey safaro kala duwan ku soo maray Dalalka Uk iyo France, isagoo wasiirku xusay in safaradaasi ku soo dhammaadeen guul qaranka u soo hooyatay. Waxa kale oo goluhu warbixin la xidhiidha gubashadii Suuqa weyn ee Waaheen ka dhegeysteen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo uu wehelinayey Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahin Yuusuf, waxaanu golaha la wadaagay halka uu marayo qorshaha dib-u-dhiska Suuqa waaheen iyo qorshaha dejinta suuqyada ku meel-gaadhka ah ee loo diyaariyey inay ku ganacsadaan dadkii uu saameeyey dabkii Waaheen, taas oo uu xusay in dejinta la bilaabi doono todobadka danbe. Dhinaca kale Goluhu waxa uu qodobbo ka soo saaray Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay yeesheen Maanta oo Khamiisa taariikhduna ay tahay 16-June-2022-ka.
ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL
Related posts:Daawo-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Laba Beelood Oo Ku Dagaalamay... Markab Ganacsatada Somaliland U Siday Hanti Lagu Qiyaasay 5 Milyan Dollar Oo Ka Goostay Dekedda Berb... Hargaysa Oo Laga Xusay Maalinta Carruurta Adduunka Iyo Wasiirka Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulsha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|