Dawladda Mareykanka Oo Shirkadaha Google Iyo Apple Ku Amartay Inay Hawada Ka Saaraan Tik-tokga! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Mareykanka Oo Shirkadaha Google Iyo Apple Ku Amartay Inay Hawada Ka Saaraan Tik-tokga!
June 30, 2022 - Written by Editor:

Washington(W,N)-Guddomiyaha guddiga Isgaadhsiinta ee dalka Mareykanka ayaa ku amray shirkadaha Google iyo Apple inay aalada TikTok hawadooda ka saaraan sababo la xidhiidha amniga awgeed.

TikTok app

Amarkan ayaa dhigaya in shirkadaha Google iyo Apple ugu dambeyn ay 8-da July ee sannadkaan fuliyaan, taasi oo horseed u noqoneysa hoos u dhac weyn oo ku yimaada TikTok oo xiligan haysta Balaayiin dad ah.

Apple iyo Google ayaa illaa hadda wax jawaab aan kasoo saarin amarka kasoo baxay dowladda Mareykanka, hase yeeshe warbixin ay soo saartay TikTok ayaa lagu sheegay in shirkadda ayna ka shaqeyn waxyaabo amniga halis ku ah.

“Sida shirkado badan oo caalami ah, TikTok waxay leedahay kooxo injineero ah oo adduunka ah, shirkadda waxay ilaalisaa xogta dadka isticmaala,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay isku difaaceyso.

Sidoo kale waxay shirkada TikTok ay ku tilmaamtay amarka uu dul dhigay Mareykanka shirkadaha Google iyo Apple ee ka dhanka ah in uu yahay marin habaabin aan sal iyo raad toona laheyn.

TikTok ayaa hore u waajaheysay xanibaadyo hor leh kadib markii ay waddamo badan ka mamnuuceen dalalkooda aalada TikTok, iyadoo la aaminsan yahay inay tahay qaab farsameysan oo xogta gaarka ah ah ee qofka (Personal Data) lagu ogaan karo.

COMMENTS
LINKS