Dawlada Ingiriiska Oo Hakisay Taageeradii Dhaqaale Ee Ay Siin Jirtay Ciidamada Booliska Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Ingiriiska Oo Hakisay Taageeradii Dhaqaale Ee Ay Siin Jirtay Ciidamada Booliska Somaliland!
June 17, 2022 - Written by Editor:

Sida ay ku waramayaa Warbaahinta Dalka UK ‘ waxa la hakiyey Taageeraddii dhaqaale ee Ingiridku uu siin jiray Ciidamadda Booliiska ee Somaliland.

Waxaana sababta ay Dowladda Ingiriisku u hakisay dhaqaalihii Tooska ahaa ee ay Ciidanka Booliska Somaliland siin jirtay ay xoguhu sheegayaan ka dib markii ay Dowladda Ingiriisku ka biyo diiday kana cadhootay Talaabooyinkii Tacadiga iyo Awood sheegashada ahaa ee Ciidamadda Booliiska Somaliland Rasaasta nool iyo Garaacista iyo Xadhiga ugu adeegsatay Madaxda ‘ Taageerayaasha Axsaabta Mucaarifka ee Waddani iyo UCID & Suxufiyiin ee 9/6/2022 loogu gaystay magaaladda Hargeysa taas oo sababtayku dhawaad Xubno sharable iyo Saraakiil labada Xisbi Mucaarid ka tirsan oo 20 ku dhaw in Xabsiga Madheera ay Dowladdu u taxaabtay Todobaadkii hore ilaa hadana ay 14 Saraakiisha Axsaabta Mucaaridka iyo Suxufiyiin iskugu jira ay Rumaan todoba maalmooda oo shalay Maxkamadsa Gobolka ee Hargeysa ay Jeelka Madheera dib ugu celisay kuna jiraan halkaasi.

COMMENTS
LINKS