|
|||||
WAJAALE NEWS
“Al shabaab Marnaba Uma Suurto Gali Karto Inay La Wareegaan Xukunka Soomaaliya” Safiirka Maraykanka.
June 16, 2022 - Written by Editor:MUQDISHO-(W,N)-Safiirka dowladda Maraykanka Ufadhiya Soomaaliya, Larry Andre ayaa sheegay in aysan Alshabaab u suurtagali karin inay la wareegaan Soomaaliya, si lamid ah Taliban oo la wareegay Afgaanistan. Danjire Larry Andre oo ka falcelinayay wareysi laga qaaday hoggaamiye ku xigeenka Alshabaab, Mahad Karate, oo sheegay inay rajeynayaan inay la wareegaan xukunka Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay aragti buunbuunin badan. Inkastoo danjiruhu uu sheegay Al-Shabaab ay saameyn ku yeelatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyaga oo u mara lacagaha cashuuraha ee ay ka qaadaan ganacsatada. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay saaxiibo amni oo ay kamid yihiin, Maraykanka, Turkiga, midowga Afrika iyo dalalka deriska, kuwaas oo uu sheegay inay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka difaacaan khatar kasta oo kaga timaada Alshabab. Related posts:DAAWO;Wasiirka Arimaha Gudaha oo Tafaasiil Dheeraada Ka Bixiyay Qaabkii Loo Soo Qabtay Dablaydii Dis... “Waxay Ahayd Maalintii Ay Dhacday Dhibaatada Ciidamadu Habeenkeegii In Uu Ummada Usheego, Waxa Dhaca... Daawo: Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Guddida Dib U Eegista Xisaabaadka Qaran COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|