Xisbiga Waddani Oo Soo Dhaweeyay Garyaqaan Axmed Maxamed Bookh Oo Kamid Ah Dhalinyarada Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Waddani Oo Soo Dhaweeyay Garyaqaan Axmed Maxamed Bookh Oo Kamid Ah Dhalinyarada Gobolka Gabiley.
May 30, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga wadani, gudoomiye kuxigeenka iyo xubno kale oo katirsan xisbiga mucaaridka ee waddani ayaa soo dhawayn usameeyay Garyaqaan Axmed Maxamed Bookh oo ku magic dheer (isha B) oo katirsan dhalinyarada haldoorka ee gobolka gabiley oo si rasmi ah ugu biiray xisbiga waddani.

Ugu Horayna Masuuliyiinta xisbiga oo madasha ka hadlay si diiran usoo dhaweeyay Axmed Maxamed Bookh ayaa sheegay in kusoo dhawaynayaan xisbi shacabka Somaliland usiman yihiin.

Dhanka kale Garyaqan Axmed Maxamed Bookh ayaa hogaanka xisbiga waddani uga mahad celiyay soo dhawaynta ay ku qaabileen isagoo sheegay in uu dardar galin doono hawlaha xisbiga.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS