Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryayta Oo Magacaabay Gudida Nashqadaynta Suuqa Waaheen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryayta Oo Magacaabay Gudida Nashqadaynta Suuqa Waaheen.
May 4, 2022 - Written by Editor:

Wareegto uu soo saaray Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Cabdilaahi Abokor oo uu ku magaacabay gudidan waxay u dhignayd sidan:-

Tixraaca wareegto madaxwayne oo Sumadeedu tahay JSL/XM/G/083-839/042020 kuna taariikhaysan 03/04/2022 Kana soo baxday xafiiska Madaxwayanaha JSL nuxurkeeduna ahaa Gudida Qorshaynta Suuqyada Ganacsiga Ee Dalka.

Tixraac xeer 71 qodobkiisa 34aad farqada 5aad 6aad Ee ku waajibinaysa wasaarada Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryaynta Xadidida halbeega dhismaha Iyo kormeer dhismaha si looga badbaadiyo Muwaadininta khataraha dhismaha.

Tixraaca Waraaqda Sumadeedu Tahay WAG/XW/187/02/2022 Ee ku taarikhaysan

07/04/2022 kana soo baxday xafiiska

Wasiirka Arimaha Gudaha nuxurkeeduna diyaarinta i fulinta qorshaha magaalooyinka Ee Suuqyada Dalka.

Wasaarada Hawlaha Guud Waxay Isugu Yeedhay Mudanta Injineerada Dalka Ee lagu Tuhmayo aqoon Iyo waayo aragnimo shaqo.

Oo Xeer dheer si ay u hogaamiyaan dib u Dhiska suuqa waaheen Iyo inay dajiyaan Nidaamka lagu hubinayo badqabka Suuqyada kale Ee dalka.

Sidaa daraadeed waxa uu xubnaha hoos ku Xusan u magacaabay inay noqdaan gudida farsamo Ee suuqyada dalka.

  1. Maxamuud Cabdi Geedi (Gudoomiye)
  2. Ciise Yusuf Guled xamari (G,k,xigen)
  3. Cabdiqadir Iman Warsame (project Manager)
  4. Surur Sh, Maxamud Warsame (Xubin)
  5. Maxamed Siciid Ayaanle (Xubin)
  6. Axmed Maxamed Shirwac (Xubin)

7.Axmed Jamac Adan(Xubin)

  1. C/raxmaan Maxamed Aar (Xubin)
  2. Khadar Maxamud Guled (Xubin)
  3. Siciid Maxamud Mire Xubin)
  4. Xamse Maxamed Nuur (Xubin)

Fiiro Gaara

Xubnaha gudidu Waa inay wada shaqayn Dhaw la yeeshaan dhamaan dawladaha hoose Ee dalka gaar ahaan dawlada hoose Ee hargaysa mudada ay ku hawlan yihiin Nashqada suuqa waaheen.

Waxaa xubnaha gudida ka mid noqon doona laba xildhibaan Ee ka tirsan golaha Deegaanka hargaysa Ee hoos ku xusan.

1;Eng Jaamac Adan Xadi (Mideeye)

2;Eng C/risaaq Maxamed Faarax (wiiwaa).

 

COMMENTS
LINKS