“Umad Meel Lama Gaadhsiin Karo, Aqoonsina Laguma Heli Karo Haddii Madaxdu Ukala Abtiriso Dhawr Milyan Oo Faqri La Daalaa Dhacaysa”Garyaqaan Guleed Dafac. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Umad Meel Lama Gaadhsiin Karo, Aqoonsina Laguma Heli Karo Haddii Madaxdu Ukala Abtiriso Dhawr Milyan Oo Faqri La Daalaa Dhacaysa”Garyaqaan Guleed Dafac.
May 25, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Garyaqaan Guuleed Dafac oo kamid ah bahda Sharciyaqaanada Somaliland ayaa ka hadlay saamaynta ay yeesheen hadalo xanaf leh oo masuuliyiinta xukuumada iyo xisbigooda kulmiye ka jeediyeen munaasibadii 20guurada aas aaska xisbiga kulmiye kuwaasi oo bulshada iyo taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ay ka bixiyeen jawaabo iyaguna bulshada kala qaybinaya.

Sidoo kale Garyaqaan guuleed dafac ayaa bulshada somailand iyo dadka talo qabeenka ah ugu baaqay in ay iska bariyeelaa waxyaabaha dalka ka dhacaya

Garyaqaan guuleed dafac ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

“Hadaladdii maalintii dhowayd laga jeediyay madashii uu ku dabaal degayay Kulmiye ee wada qabyaaladda iyo xumaanta ahaa iyo hadaladda qabyaaladda ah ee ay jeediyeen dad mucaaradka taageersan waxa ay caddayn u yihiin fashil siyaasadeed qoto dheer oo ka jira Somaliland. Nidaamka caynkaas oo kale ahi ina wadi maayo. Dadka intiisa badan ee aamusan waxa la gudboon inay iska beriyeelaan nidaamkan oo ay talo isugu noqdaan.

Masuuliyad wayn ayaa saaran sadexda hogaamiye ee sadexda xisbi. Umad meel lama gaadhsiin karo, aqoonsina laguma heli karo haddii madaxdu u kala abtiriso dhawr milyan oo faqri la daalaa dhacaysa. Annigu garan maayo sabab kuulli yoomiye halgan ugu jira loogu abtiriyo.

Shacabka Somaliland waa shacab aad u yar oo leeg in magaalo qaado. Waa tiro maayar u tallin karo. Waa dad aan kala duwanayn oo muuqaalkooda, hadalkooda, diintooda, iyo dhaqankoodu kala soocnayn.

Waan ogahay oo xukunka oo aad isku haysaan ayaa aasaas u ah murankiina. Waa wax ay u badan tahay inaad berri ka heshiin doontaan. Balse kala qaybintiinnu halka ay dadka gaadhsiinayso ayaa ah meel fog. Idinku waxa aad eegaysaan dan dhow. Waxa aad dayacdeen danta umadan ee mudada fog.

Shacabka Somaliland guud ahaantii, gaar ahaan inta mustaqbalkiisa danta ka leh, waxa aan kula tallin lahaa in aanay kala raacin labada dhinac iyo inay u hawlgalaan in umadda laga badbaadiyo kala qaybinta. #NotInMyName.

GARYAQAAN GULEED DAFAC.

COMMENTS
LINKS