“Sida Muuqata Madaxwayne Muuse Iyo Gaboose Waxay Ka Midaysan Yihiin In Aanay Qabsoomin Doorashada Madaxtooyadu, Muddo Kordhin Aan Heshiis..”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Sida Muuqata Madaxwayne Muuse Iyo Gaboose Waxay Ka Midaysan Yihiin In Aanay Qabsoomin Doorashada Madaxtooyadu, Muddo Kordhin Aan Heshiis..”Siyaasi Cali Guray.
May 7, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa ka hadlay Ku dhawaaqista urur siyaasadeedka cusub ee Dr Gaboose oo uu sheegay in ay kamid tahay qorshayaasha madaxwayne biixi uu ku doonayo in doorashada madaxtooyada dib loogu dhigo si uu uhelo mudo kordhin.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa sheegay in madaxwayne biixi iyo Dr Gaboose ay ka wada socdaan sidii aanay doorasho udhicin lahayn

Isagoo Arimahaasi ka Hadlaya wuxu Yidhi;

HAADBA HAAD KICI:

Urur siyaasadeed waa la furi karaa oo aniga ayaaba ka fakaraya in aan furo hadii Allah yidhaa. Waxa la isku hayaa goorma ayay ururada buuxiya shuruudaha iyo sadexdan xisbi ay tartan geli karaan? Ma ka hor Doorashada Madaxtooyada ee 13ka November mise ka dib? Ka hor iyada lali ma jirto eh. Ka dibna waxay ku xidhan tahay qabsoomidda doorashada hore ee madaxtooyada. Sida muuqata madaxwayne Muuse iyo Gaboose iyo rag kaleba waxay ka midaysan yihiin in aanay qabsoomin doorashada madaxtooyadu muddo kordhin aan heshiis lagu ahaynna ay Guurtidu ugu duugto Madaxwaynaha xisbiyada mucaaridka iyo qaadhaanbixiyayaasha 75% kharashka doorashada iyagu balanqaaday ee horaanteediiba laga hayo midna afkaba juuq looga odhan ilaa inta ay sadexdan xisbi shahaadaduhu ka dhacayaan 26 December. Ka dibna la yidhaa xisbiyaba ma jiraan ee waxay la mid noqdeen ururo doorasho ay geli karaanna ma jirto. Taas oo si toos ah uga horimanaysa dastuurka Somaliland. Doorashadii Madaxtooyada 2010kii uu Kulmiye ku guulaystay sadexdii xisbi ee doorashada galay shahaadadahoodu waxay ka dhaceen December 2006dii. Iyadoo sadex sanadood iyo badh ay dhacsan yihiin shahaadadahoodu ayay hadana doorashadii galeen iyaga oo xisbiyo qaran ah.

Sida aan filayo hadii aan la qaban doorashadii keli ahayd ee la isla wada ogolaa wax kastana ay diyaarka u ahaayeen doorasho kale oo aan la isla ogolayn halka, goorta, iyo cidda uu Muuse Biixi u qaban karo anigu kolay garan maayo eh waxaaba dhici karta in aan Somaliland wax doorasho ah oo dambe ka qabsoomin inta uu kursiga Muuse ku fadhiyo. Waana sida malaha uu damacsan yahay Muuse Biixi in kursiga uu iska sii fadhiyo inta uu doono amase ilaa inta uu nool yahay ee naftu ku jirto.

Qalinkii Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray”

 

COMMENTS
LINKS