Madaxwaynaha Somaliya Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Baydhabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliya Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Baydhabo.
May 31, 2022 - Written by Editor:

BAYDHABO(W,N)-Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, waxaana garoonka diyaaraha Ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacaayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweynta kadib waxay si wadajir ah xadhiga uga jareen dhismaha madaxtooyada magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne xasan sheikh oo safarkiisii ugu hoaray ku tagay Baydhabo ayaa ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aadan dhab u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

COMMENTS
LINKS