|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Caawa Gurigiisa Ku Booqday Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Axmed Siilaanyo.
May 21, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa gurigiisa ku booqday caawa fiidkii Madaxweynihii Afraad ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna aas-aasihii Xisbi xaakimka Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), iyadoo ay maalinta berri ah iu beegan tahay xuska Sannad Guuradda 20aad ee ka soo wareegtay aad-aaskii Xisbiga Kulmiye oo uu rukumada u taagay Madaxweyne Axmed Silaanyo.
Waxaanu madaxweynuhu Alle uga baryay madaxweynaha hore inuu cimriga iyo caafimaadkaba u siyaadiyo kuna simo guulaha uu ku tallaabsano Qaranka Somaliland iyo xisbigii uu seeska u dhigay 20 sanno ka hor. Related posts:Madaxweyne Biixi Oo Amray In La Joojiyo Baabuurta Vits Iyo Madaxweynaha Tanzania Oo Wasiiradiisa Ku ... DAAWO; Haayada Shaqaalaha Oo Imtixaanka Qaaday 365 Kamida Dhalinyarada Gobolka Awdal Oo U Tartamaya ... Gudoomiyihii Ololaha Doorashada Madaxtooyada, Xisbiga Wadani Ee Gobolka Maroodi Jeex Oo Iscasilay Iy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|