Madaxwaynaha Jsl Iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Oo Caawa Kulan Ku Yeeshay Qasriga Madaxtooyada Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Oo Caawa Kulan Ku Yeeshay Qasriga Madaxtooyada Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
May 16, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland muuse biixi iyo gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ee wadani iyo Ucid musharaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani oo ay weheliyaan wasiirka arimaha gudaha diinta iyo awqaafta iyo xubno kale ayaa caawa kulan ku yeeshay qasriga madaxtooyada Somaliland.

Kulankan oo madaxwaynaha jsl ufidiyay xisbiyada mucaaridka ayaa lagaga wada hadlay khilaaf siyaasadeed ee udhexeeyay xukuumada iyo mucaaridka iyo xuska maalinta qarannimada Somaliland oo macaaridku shaaciyeen in ay gaar uxusayaan

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN IYO HESHIISHKA AY WADA GAADHEEN;

 

COMMENTS
LINKS