|
|||||
WAJAALE NEWS
Ma Ogtihiin Dagaalka Dhinaca Warbaahinta Ah Ee Ku Socdo Amniga Somaliland ?
May 29, 2022 - Written by Editor:Dhammaan Warbaahinta Internet-ka ee Maamul-goboleedyada Soomaaliya, waxay bilaabeen inay Somaliland ka fidiyaan Warar Barobogaando ah oo ay ku sheegayaan in Somaliland qarka u saaran tahay “Dagaal” iyagoo ka faa’idaysanaya buuqa khilaafka doorashada. Waxaan ka xumahay, in iyadoo dagaalkaa dhanka Warbaahinta ahi ku socdo dalkeena Somaliland, in illaa hadda Warbaahinteenu waxba ka beddelin Siyaasaddoodii War-tebinta, balse ay weliย siidaynayaan Dhawaaq kasta oo Colaad abuuri kara, halkii ay ahayd inay hoos u dhigaan hadallada Naxliga abuuraya ee ka soo yeedhaya Dadka “Wax ma garatada ah.” Taladaydu waxa weeyaan, In Saxaafadda Somaliland doorkooda ka qaataan qaboojinta Xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo taa u maraya inay iska indho-tiraan Baahinta Hadallada dadka aan waxba u TUDHAYNIN. FG: Sawirka Qoraalka la socda waxaan ka soo qaaday gidaarka Warbaahin laga leeyahay Puntland, waana mid ka mid ah Wararka lagu waxyeelaynayo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland. Allaa Mahad leh. Qalinkii: Cabdiqaadir A. Carab Related posts:Maxamed Salaax oo ku guulaystay xidigga Afrika ee CAF kan Qabiil Qaran Ma Dhiso;Qalinkii ahmed rasheed ๐๐๐๐๐๐๐ผ ๐๐ ๐๐ ๐๐ผ๐๐๐ ๐ผ๐ ๐๐๐ผ ๐๐ผ๐๐ฝ ๐๐๐๐๐๐ผ๐๐ผ ๐ฟ๐ผ๐๐ผ๐๐๐๐ผ ๐๐๐๐๐๐ผ ๐ผ๐๐๐๐พ๐ผ ๐๐๐ ๐๐๐๐ฟ ๐ผ๐๐ผ๐ผ๐ ๐๐ผ๐ผ๐๐ผ๐ฟ๐ผ ๐ผ๐๐๐๐พ๐ผ!. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
๏ปฟ |