Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Khudbadii Madaxwayne Biixi Ka Horjeediyay Labada Gole Aanay Ahayd Mid Nuxur-xanbaarsan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Khudbadii Madaxwayne Biixi Ka Horjeediyay Labada Gole Aanay Ahayd Mid Nuxur-xanbaarsan!
May 9, 2022 - Written by Editor:

Khudbadda Madaxweynaha ee muddo-dhaaftay:

Haddii warbixinta ay xambaarsan tahay aanay xaqiiqada ku qotomin ama tahay mid aan la hubsan oo aan sax ahayn. Tusaale ahaan, waddada Oodweyne oo uu sheegay in wax yari ka hadhsan yihiin, xaalka macaiishadda ama sicirbararka ka jira dalka iwm, iyada oo sannadkii tegay aanay khudbaddu wax badan ka warramin ee ay dhacdooyinkii sannadkan uun sheegtay.

Haddii aanay wadan qorshe Qaran oo sheegaya qorshaha xukuumadda ee sannadka amase sannadkiiba kala badhanyahay iyada oo weliba Madaxweynaha wakhtigiisii gabaabsi yahay oo lix bilood u hadhay.

Haddii aanay khudbadda Madaxweynuhu ka jawaabayn dhibaatada taagan iyo duruufaha adag ee bulshada haysta oo aanay xal soo bandhigayn.

Haddii Madaxweynaha wakhtigiisi dhammaaday aanu soo gudbin oo golayaasha iyo qarankaba la wadaagin qorshahii doorasho. Dee waxay iila muuqataa khudbad aan NUXUR lahayn iyo “Shimbirayahow heesa”.

Gudoomiyaha xisbiga waddani xirsi cali xaaji Xasan.

COMMENTS
LINKS