Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Oo Kulan La Qaatay Ardayda fasalada 4Aad Ee Dugsiga Sare Cigaal Ee Gobolk Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Oo Kulan La Qaatay Ardayda fasalada 4Aad Ee Dugsiga Sare Cigaal Ee Gobolk Gabiley.
May 7, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa,uud Axmed faarax oo ay weheliyaan gudomiye kuxigeenka gudida, gudoomiyaha waxbarashada ee gobolka gabiley ayaa kulan is xogwaraysi ah la qaatay ardayda dugsiyada cigaal secondary ee gobolka gabiley.

Ugu horayna waxaa kulankan ardayda  fasalada Afraad ee dugsiga sare ee cigaal  secondary iyo gudida imtixaanaadka qaranka ka hadlay maamulaha dugsiyada cigaal Cabdiwahaab oo dardaar jeediyay ardayda dugsiga ee sanad ufadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare.

Sidoo kale gudoomye Daa,uud ayaa ardayda uga xogwaramay qaabka loo galayo imtixaanka iyo waxyaabaha looga baahan yahay ardaydu in ay ku dadaalaan.

Dhanka kale gudoomiye daa,uud axmed faarax ayaa sheegay in maamulaha dugsiga cigaal uu kamid ahaa dadkii la bilaabay xafiiska imtixaanaadka qaranka nasiibna ay ardaydani u heleen maamul wanaagsan iyo macalimiin sifiican wax ubaray.

 

COMMENTS
LINKS