|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Dhaariyay Xildhibaan Cusub Oo Ka mid Noqday Golaha Guurtida
May 15, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2022, dhaariyay Ibraahim Muxumed Aw-Axmed X. Aadam, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Guurtida JSL. Xubinta la dhaariyay ayaa buuxisay, jago uu dhawaan banneeyay, mudane Muxumed Aw-Axmed X. Aadam, taasi oo golaha Guurtidu ay maxkamadda sare u soo gudbiyeen, codsi ay ku dalbanayaan in xilkaasi loo dhaariyo, Ibraahim Muxumed Aw-Axmed X. Aadam, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay. Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. ALLAA MAHAD LEH Related posts:Madaxtooyada oo Weyday Hal Suldaan oo ka Daba Hadla Suldaanka Guud Ee Subeer Awal Boqoolkii Kulanka ... Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Markii Ugu Horaysay Hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaa... Xildhibaan Qabile Oo Sheegay Inaanu Xal Ahayn Ganaaxa Lagu Soo Rogay Xulalka Kubadda Cagta Ee Goboll... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|