Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Sharciyan Marka Gudi Loo Saari Karo Komishanka Doorashooyinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Sharciyan Marka Gudi Loo Saari Karo Komishanka Doorashooyinka
May 10, 2022 - Written by Editor:

Goorma ayaa Gudi baadhiseed loo saari karaa Gudida Doorashooyinka?Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoray

“Sida ku cad Qodobka 15aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka, waxa guddi baadhiseed madaxbanaan loo saari karaa marka la doonayo in xilka laga qaado. Waa habka keliya ee xubin ama xubno ka tirsan Gudida xilka looga qaadi karo.

Cinwaanka Qodobka 15aad waa: Xil ka Qaadista Komishanka.

Waxa uu qodobku sheegayaa:

  1. Xubnaha Komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa:
  2. a) Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay.
  3. b) Marka uu xilka gudan Kari waayo karti darro ama caafimaad darro awgeed.
  4. c) Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatoyo, musuq-maasuq, eex IWM. (Qodobka 15(1)

Marka arimaha kor ku xusan midkood ama in kabadan ay yimaadaan,  waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi baadhiseed madaxbanaan oo ka soo warbixisa si uu go’aan ugu qaato (Qodobka 15(2).

Madaxwaynuhu marka uu xilka ka qaado xubin ama xubno ka tirsan Gudida waxa uu u gudbinayaa Golaha Wakiiladda oo awood u leh inuu  ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah (simple majority) (Qodobka 15(3).”

COMMENTS
LINKS