|
|||||
WAJAALE NEWS
Garsoorihii Ku Qornaa Dacwadda Suxufiyiinta Xidhan Oo Iska Wareejiyay Kiiskooda!
May 5, 2022 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Garsoorihii ku qornaa dacwadda Saddexda Saxafi ee Hargeysa ku xidhan Mahad Maxamed Yuusuf, ayaa maanta iska wareejiyay kiiskaasi sida ay xaqiijiyeen ilo-xogogaal ah. Garsoore Mahad, ayaa ka dalbatay guddoomiyaha Maxkamadda in uu ka wareejiyo Kiiska Saddaxda Saxafi ee kala ah Maxamed Cabdi Ilig, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Khaliif. Warku waxa uu intaa ku darayaa in markii dambe guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, isaga laftiisu isku qoray dacwadda Saxafiyiinta. Dacwadda saddexda Saxafi ayaa muddaysneed in 9-ka bishan Maxkamadda Hargeysa ay ka bilaamanto, lamana oga sababta keentay in Garsoorihii lagu qoray ka cudur daarto. Sidoo kale lama oga in isbeddelka ku yimi Garsooraha ay dib u dhigi karto bilaabashada dacwadda ? Xigasho : Cabdiqaadir Coday. Related posts:DAAWO ” Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe Oo hadlay arimo kale duwan , kuna saabsan ... “Waxaanu Wadnaa In Sarkaalka Sarkaalka Dila, Ama Askariga Askariga Dila In Aan La Aasin Ilaa Lala Aa... DAAWO; Wasiirka Maaliyada Somaliland Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Oo Si wadajir ah Korme... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|