“Dalka Inaad Udhimataan Sow Diyaar Uma Tihidin,Waa Inoo Maalinta Aan Siidhiga Idiin Afuufo..” Musharrax Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dalka Inaad Udhimataan Sow Diyaar Uma Tihidin,Waa Inoo Maalinta Aan Siidhiga Idiin Afuufo..” Musharrax Cirro.
May 13, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo galabta kulan la yeeshay dhalinyarada taageerta xisbiga wadani ayaa ku wargaliyay in ay diyaar unoqdaan in ay badbaadiyaan dastuurka Somaliland iyo sidii dalka uga qabsoomin lahayd doorashada madaxtooyada ee 13nov 2022.

Sidoo kale musharax cirro ayaa dhalinyarada ugu baaqay in ay diyaar unoqdaan in udhintaan islamarkaana ay uga hortagaan xataa hadii xabad nool lagu rido maalinta uu siidhiga u afuufana diyaar ay noqdaan.

Dhanka kale musharax cirro ayaa sheegay in doorashadii 2017 aanu utanaasulin muuse biixi balse uu u tanaasulay qarannimada somailand iyo mustaqbalka dhalinyarada balse maanta aanu taasi yeelay kuna hogaamin doona waxkasta oo lagu badbaadinayo dalka

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS