Dadka Somaliland Maaha Dad Ciidan Iyo Cudud Dawladeed Lagu Baqo Galin Karo . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadka Somaliland Maaha Dad Ciidan Iyo Cudud Dawladeed Lagu Baqo Galin Karo .
May 25, 2022 - Written by Editor:

Umadaha ilbaxda ah ee ka xoroobey garashada waxa aynu la Wadaagnaa in aynu ku dhaqano waxii aynu ku heshiinay ee Dastuur iyo xeerar ahaa oo loo yaqaano ( Social contract ) Heshiis bulsho oo aynu qaranka ku dhisnay.

Dalkani cidina cid xoog kuma qabsan la iskugumana hanjabi Karo oo la iskuma muquunin karo dawladnimada iyo waxa ay umadu wada leedahay oo hore waxii looga dhaxlay waa la ogaa.

Markaa maanta miiska wadahadalada iyo sharciga mooyaane waxa kale oo dhami waa qadaf iyo meel ka dhac iyo in dadka jamhuuriyada Somaliland la isku dilo marar kale .

Madaxweynaha,  xisbigiisa iyo xukuumada furista ururada siyaasada waxa u dheer cuqdad iyo cunfi mucaaradada maanta jirta ay u hayaan , ururaduna maaha wax iyaga ku xidhan ee waa sharci iyo xuquuq dastuuri ah.

Is xiniinyo taabadka iyo is xumeyntu wax wanaag ah oo ay soo wadaa ma muuqato marka aad mucaaridka ugu hanjabto ururo ayeynu ku noqonaynaa midida daabkeediina aad hayso waxa ay u arkaan in aad iyaga meesha ka saareyso xaq baanay u leeyihiin in ay is difaacaan.

Hadii aad hiil u tahay ururada siyaasada iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland maaha in aad u adeegsato ku cadaadinta axsaabta maanta jirta oo aad ugu hanjabto , taasi waxa ay u muuqataa ku danaysi awoodeed.

Waxa aan ahaa dadkii u ololaynayey ururada siyaasada in la furo oo halganka dheer ugu soo jiray ujeedkaygu waxa uu ahaa in nidaam wanaagsan oo bilaa muran ah oo sharci ah ay ku furmaan oo aan mucaarid iyo muxaafid midna dhibaato ku aheyn.

Maanta halka uu xaal marayaa iyo waxii warbaahinta ka socday todobaadkii ugu dambeeyay ee ay mucaaridka iyo taageyaashooda iyo xukuumada iyo xisbigeedu wadaan waa foolxumo weyn iyo hadimo qaranka ku keeni karta dhibaato.

Ugu dambayn si xeegona xeego u noqoto ilkana u nabad galaan oo danta dadka jamhuuriyada Somaliland ku jirto in la yeelo laga fursan maayo , mana jirto doorasho dhaceysa heshiis la’aan , axsaabta mucaaridka ahina waxa ay ka mid yihiin daneeyayaasha doorashooyinka inagu soo fool leh.

Hadalada xanafta leh ee raga waaweyn ee umada masuuliyada u hayaa warbaahinta dadka ku kala qaybinayaana waxa ujeedkoogu yahay waa la garanayaa ee yaan la is mud-mudin.

Isku soo wada xoori madaxwayne qaranka qori kumaad qabsan ee sharci ayaad madaxwayne ku tahay, waxaana aad mar labaad madaxwayne ku noqon kartaa waa sharci iyo doorashooyin lagu heshiis yahay ee dalka ku soo celi deganaansho.

Mohamed Abdi Jama

Dhimbiil Mohamed

COMMENTS
LINKS