|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Qaamuus Oo Tiriyay Gabay Cusub Oo Uu Kaga Hadlayo Xaalada Wadanka!
May 6, 2022 - Written by Editor:ABWAAN QAAMUUS OO TIRIYAY GABAYGA “XUMAD-WADAREED” OO DABADA SOCDA SILSILADII LIINTA XOORKALE. “Xeerka Weeyi Waxa Uu Dadkuba, Xoolo dheer Yahaye. Haddii Ay Gar Xeerbeegtidii, maal u Xilanayso, Xaqa Ruuxa Sheegana Awood, la Iska Xidhanaayo Xabsi Haddii Umudan Saxafigiyo,Weriye Xuuraamay, Oo Xiskiyo garaadkii shacbiga, la iska Xuurtaystay, Oo Xamaasad ku Wada noolyahoo, laga Xaraabaysto, Xal maxaan u raadshaa dalkuba, Malaha Xeegaane, GABAY:XUMAD-WADAREED; Abwaan Cabdi Kariim Muxumed Cadde oo Ku Magac dheer (Qaamuus) Oo ka mid ah Abwaanada Waaweyn ee Reer Somaliland ayaa Soo saaray Gabay cusub oo la Magac baxay ‘Xumad-Wadareed’ gabaygaasi oo uu abwaanku kaga waramayo xaalada Guud ee dalka ayaa waxa kale oo uu fariin u direy abwaanadii curiyey silsiladii Liinta Xoorka Leh . Waana kan Gabayga Xumad-Wadareed’ isagoo qoraal iyo maqal iyo muuqaalba ahi ee ka dheeho halkan hoose; Waxaanu Gabayga Xumad-Wadareed yidhi Sidan: 1.Haddii Gabayga Xaraf-raaca uun, lagu Xarriiqaayo, 2.Oo Nimaan Xakamihiisa hayn, Xaashi ku qoraayo, 3.Xilahay ku furan maansadaba, laguma Xiiqeene, 4.Oo raggaa madaxa Xiiran lihi, kuma Xabeebteene, 5.Oo laguma Xoomeen siday, Xiisad gelayaane, 6.Mid Xaqiira buu noqon lahaa, oo Xaraash gala’e 7.Xakiimkaa Ilaah baa baxshee, Xoolo lagu waaye, 8.Waa loo Xuluushaa midhaha, Xidhka Waligaaye, 9.Ninka Xaal yaqaanaa murtida, waa u Xiddigiyaaye, 10.Sidii Xeerka maansadu ahaa, Xarrago geeraara, 11.Ama Xidha afkiinoo walaal, aadna u Xishooda, 12.Oo Xaq dhawra ruux maanqabiyo, Xisaska waayeelka, 13.Duur-Xulkaasna beydgaabka way,kala Xanaaqaane, 14.Afartaa wax la iskuma Xidhee, arar Xaqeedii dheh, 15.Xog-ogaal tixdiisiyo Barrow, Xikmadii Qaamuus dheh, , 16.Afar kalena waa Xaasilkee, dhugasho Xeeldheer leh, 17.Qaar baa malaha lagu Xukumay, Xeedho iyo dheefe,
67.Xikmad yool habowdaa u daran, ilma Xujaaloowe, 68.Xaggaa dhiga qabiilkoo mar’uun, maanka ka Xorooba, 69.Ama sida Xammaalkii Berbera, Heello nagu Xiija, Eray-furka Gabayga:
15.Barrow: Waa Cabdiraxmaan Maxamuud Raage
27.Rashiidow: Waa Macalin Rashiid Cabdi Muuse (Rashiid Soomaali) 64.Ina Aadan Xaad: Waa Abwaankii Weynaa Ee Cabdi Aadan Xaad (Qays) 69.Heello: Xaggan, Waxa ugu jirtaa Macnaheeda Rasmiga ah oo ah Ciyaar dhaqameed. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|