“Waxaan Leeyahay Wasiir Cali Mareexaan Waxaa Lagaa Rabaan Sidii Qarankani Biyo Ku Heli Lahaa,Wajaale Ayay Maanta Toostada Biyaha Ahi Maraysaa 60ku,Lagaama Rabo In Aad Wax Kale Ka Hadasho”Siyaasi Bookh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Leeyahay Wasiir Cali Mareexaan Waxaa Lagaa Rabaan Sidii Qarankani Biyo Ku Heli Lahaa,Wajaale Ayay Maanta Toostada Biyaha Ahi Maraysaa 60ku,Lagaama Rabo In Aad Wax Kale Ka Hadasho”Siyaasi Bookh.
April 9, 2022 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Jaamac bookh oo kamid ah ganacsatada gobolka gabiley ayaa ka hadlay masiibadii ka dhacday suuqa waaheen oo ay ku hanta waayeen kumanaan shacabka Somaliland ka mid ah isagoo ku baaqay in gobol kasta oo Somaliland ah laga ururiyo dhaqaalaha loogu gurmanayo dadkaasi isagoo baaq in ay deg deg iskugu yimaadaan ganacsatada reer gabiley udiray.

Sidoo kale siyaasi maxamed cabdilaahi bookh ayaa jawaab ka bixiyay hadal kazoo yeedhay wasiirka wasaarada biyaha cali mareexaan isagoo ugu baaqay in wasiir ahaan laga rabo siyaasadi biyo lagu gaadhsiin lahaa shacabka Somaliland xili ay magaalada wajaale biyo la,aani ka jirto foostaduna marayso 60000kun oo shilingka Somaliland wasiir kana looga fadhiyo in uu baahiyahaasi wax ka qabto balse aanu ku mashquulin arimo siyaasadeed ka hadalka suuqa waaheen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS