|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wakiilka Dalka Uk Ufadhida Somaliland Iyo Hadiyad Uu Gudoonsiiyay
April 25, 2022 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu Xafiiska ku qaabilay Safiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland, Ambassador Lizzia Walker oo ay wehelinayeen xubno ka socdey Xafiiska Safiirka ee Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa safiirka ugu xog-waramay xaalada guud ee amniga Jamhuuriyadda Somaliland iyo halka uu marayo gurmadkii Suuqa Waaheen ee dhowaan ku gubtey dabkii ka kacay Suuqa Waaheen. Wasiirka aya safiirka gudoonsiiyey hadiyado kala duwan oo ku saabsan hidda iyo dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo astaamo kale oo ay ku xardhanyihiin Calanka Somaliland, iyada oo Safiiirku si wayn ugu mahadnaqday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed. Kulankan waxaa Wasiirka kala qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Agaasimaha Guud ee dhinaca Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Ibraahim Cali Ismaaciil iyo Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Hay’adda Siciid Yusuf Cabdi Siciid. Related posts:Guddoomiyaha Ururka Marreeggaha Somaliland Ee SOMA Oo Ku Bogaadiyay Bahda Saxaafadda Online-ka Munaa... DAAWO;-Maayarka Magaalada Gabiley Oo Dhagax Dhigay Dhismayaal Cusub Oo Lagu Kordhinayo Xarunta Dawla... Prof. Axmed Ismaaciil Samatar Oo Soo Bandhigay Hadal Uu Cali Khaliif Galaydh U Sheegay 5 Maalmood Ka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|