War Murtiyeed Kasoo Baxay Golaha Amniga Qaranka Itoobiya Iyo Nuxurka Uu Xanbaarsan Yahay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Murtiyeed Kasoo Baxay Golaha Amniga Qaranka Itoobiya Iyo Nuxurka Uu Xanbaarsan Yahay!
April 23, 2022 - Written by Editor:

Dawlada Itoobiya Oo Awaamiir Culus Dul Dhigtay Cidkasta Oo Halis Ku Ah Wada Jirka Bulshada Iyo Maalgashiga Dalka!

Addis Ababa(W.N)-Golaha Amniga Qaranka ee dalka Itoobiya, ayaa ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi doono cid kasta oo dhibaato ku ah ammaanka, ganacsiga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo wadajirka bulshada.

Warmurtiyeed ka soo baxay kulan Golaha Amniga Qaranka ee Itoobiya ku yeesheen caasimadda Addis Ababa maanta, isla markaana uu guddoominayey Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed, ayaa lagu sheegay in ciqaab daran la marsiin doono kooxaha hubaysan,  ganacsatada sicir-bararka ka qaybqaata iyo cid kasta oo ku kacda falal liddi ku ah ammaanka iyo deganaanshaha dalka.

Nuxurka qodobbadda ugu waaweyn ee war-murtiyeedka hanjabaadda ah ee ka soo baxay Golaha Ammaanka Qaranka Itoobiya waxa ay u dhigan yihiin sidan:

“Maaddaama hay’adaha ammaanku ku sugan yihiin darajo wanaagsan dib ugama laabanayaan jawaab-celin walba oo loo baahdo. Haddii shacabku gabbaad u noqdo kuwa na argagixinaya ee dhibaataynaya dadaalka hay’adaha ammaanka kaliya xal laguma heli karo. Sidaa darteed, shacabka qaybihiisa kala duwan culimaa’udiinka, odayaal-dhaqameedka, warbaahinta iyo dadka bulshada hormuudka u ah waxa looga baahan yahay in ay ka go’naansho muujiyaan, lana shaqeeyaan hay’adaha ammaanka.

Marka aynnu qaadaynno tallaabooyinka lagu xaqiijinayo ammaanka shacabka, laguna kobcinayo nidaamka dimoqraadiyadeed waa in ay noqdaan kuwo aan wax u dhimayn nidaamka dimoqradiyadeed, waa in ay noqdaan kuwa miisaman.

Golaha Ammaanka Qaranka Itoobiya wuxuu go’aansaday in tallaabooyin lagu xaqiijinayo sharciga laga qaadi doono kooxaha isku daya in ay khalkhal geliyaan hawlaha maalgashiga, horistaagga gaadiidka shacabku ku jiro, boobka dhulka, u-adeegga cadowga dalka ee isku daya in ay iska horkeenaan qoomiyadaha dalka, sida oo kale shaqsiyaadka ganacsatada ah ee ka shaqaynaya sidii ay kor ugu sii qaadi laahaayen sicir-bararka, shidaalkana u dusiya waddammada jaarka Goluhu waxa uu ka qaadi doonaa tallaabada ku habboon.

Innaga oo ka faa’iidaysanayna fursaddan waxa aan ugu baaqaynnaa waalidka ilmihiisa, odayaashu dhallintooda, culimada diinta

mu’uminiintooda, xisbiyadu taageerayaashooda, hoggamiyaasha qabiilladu qabaa’ilkooda in aad ka waantowdaan falal walba oo wax u dhimi kara ammaanka dalka, si loo helo muwaaddiniin guta xilka ka saaran sugidda amniga iyo nabadgalyada dalkooda,” ayaa lagu yidhi warmurtiyeedka Golaha Ammaanka Qaranka ee Itoobiya.”

COMMENTS
LINKS