Ugaas Cabdirsaaq Koosaar Oo Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samater Ku Bogaadiyay Sida Uu Dhaqaalaha Ugu Soo Ururinayo Dadkii Ku Caydhoobay Suuqa Waaheen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ugaas Cabdirsaaq Koosaar Oo Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samater Ku Bogaadiyay Sida Uu Dhaqaalaha Ugu Soo Ururinayo Dadkii Ku Caydhoobay Suuqa Waaheen!
April 20, 2022 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ugaas Cabdirasaaq Koosaar Cali oo kamid ah madaxdhaqameedka Somaliland ayaa umahad celiyay aqoonyahan axmed ismaaciil Samater oo door wayn ka qaatay qaadhaan loo ururinayay shacabka reer Somaliland ee ay ka gubatay hantidii suuqa waaheen sidii loo taakulayn lahaa.

Ugaas cabdirasaaq ayaa cidkasta reer Somaliland ugu baaqay in ay ku daydaan aqoonyahan axmed ismaciil samater oo si hagar la,aan shacabkiisa ugu gurmanaya.

Sidoo kale ugaas cabdirasaaq ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaa hanka madaxtinimo ee aqoonyahan axmed ismaaciil samater oo mudadii uu dalka joogay bulshadu markhaati ka ahayd sidii uu khudbadaha ugu jeedinayay ardayda jaamacadaha Somaliland iyo booqashadii uu ugu tagay ciidamada jiida hore ee Somaliland,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS