|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse Oo Booqday Suuqa Waaheen, Sheegayna In Lacagta Madaxwaynuhu Ku Dhawaaqay Ay Tahay Hawl Socodsiin!
April 2, 2022 - Written by Editor:“Madaxwaynaha Jsl Halkii Milyan Ee Ugu Horeeyay Ayuu Ku Deeqay Oo Hawsha Lagu Sii Socodsiin Doono, Micnaheeduna Maaha Xukuumadu Dadkeeda..”Siyaasi Shucayb Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse oo madaxwaynaha dds uga mahad celiyay gurmadii uu ka gaystay daminta dabkii suuqa waaheen. HARGAYSA(W,N)-Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Warshadaha Xukuumadii Axmed Siilaanyo Shucayb Maxamed Muuse oo Booqday suuqa waaheen oo habeen xalay dab ka kacay sobobay In ay shufbeelaan hantidii badi suuqii ugu waynaa Somaliland talaalay ayaa bulshada reer Somaliland la wadaagay dareenkiisa isagoo ilaahay uga baryay in uu cawil naq ka siiyo dadka hantidoodii ku gubatay dabkan, Sidoo kale siyaasi shucayb ayaa sheegay In lacagta madaxwaynaha Somaliland ku dhawaaqay in uu kaga qaybqaaanayo gurmadka khasaaraha ka dhashay dab in ay tahay hordhaca loogu talo galay in ay kusii hawlgalaan gudida loo magacaabay masiibadan. Dhanka kale siyaasi shucayb maxamed muuse ayaa bogaadiyay ciidamada dab damiska iyo kuwo booliska ee sida naf hurnimada uga hawlgalay daminta dabka Siyaasi shucayb ayaa maadxwaynaha dawlad deegaanka somalida itoobiya uga mahad celiyay gurmadkii uu usoo diray Somaliland iyo sidii loo bakhtiin lahaa dabka suuqa waaheen. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jsl Oo Gacanta Kusoo Dhigay Doonyo Sharci Darro Kaga Kaluumaysanayay Bada... Daawo; Qiso Mucjiso Nin Afar Bilood Kahor La Aasay oo la Ogaaday In Uu noolyahay Dibna Qoyskiisii U... Dawladda Maraykanka Oo Loogu Baaqay Inay Xidhiidh La Samaysato Somaliland, Maaddaama Oo Ay Ka Soo Ra... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|