Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Bookh Oo Afur Iyo Casho Ku Maamuusay Xubno Katirsan Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Socdaal Ku Tagay Magaalada Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Bookh Oo Afur Iyo Casho Ku Maamuusay Xubno Katirsan Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Socdaal Ku Tagay Magaalada Gabiley.
April 25, 2022 - Written by Editor:

Xisbiga Waddani Oo Cadeeyay Mawqifkiisa Xeerka Midaynta Cashuuraha Ee Xeer12.

GABILEY(W,N)-Siyaasi/Ganacsade Maxamed cabdilaahi Bookh oo kamid ah masuuliyiinta gobolka gabiley ee xisbiga waddani ayaa afur iyo cisho sharaf usameeyay xubno kamid ah hogaanka sare ee xisbiga oo socdaal ku tagay magaalada gabiley.

Sidoo kale siyaasi bookh, gudoomiye kuxigeenka xisbiga waddani waabeeye iyo xoghayaha ganacsiga iyo warshadaha ee xisbiga wadani Xamse Khayre, ayaa ka hadlay ujeedada safarkooda, mawqifka xisbiga wadani ee dhaq dhaqaaqyada golaha wakiilada ka socda ee xeerka midaynta cashuuraha oo si dhow ula socdaan reer gabiley iyo saaxil isagoo sheegay in xisbiga wadani ay usiman yihiin gobolada dalka ismarkaana aanu kala jeclaysanayn gobolada dalka.

Dhanka kale xoghayaha ganacsiga ee xisbiga wadani xamse khayre ayaa sheegay in aanay usuurtoobayn kormeer ay ku tagi lahaayeen dhaam biyood xukuumadu ka hirgalisay duleedka magaalada kaasi oo engkii dhisay uu uhseegay in aanay tagi Karin islamarkaana ay ku wareegsan yihiin ciidamo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS