|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Faysal Cumar Madar Oo Kulan Afur Iyo Casho Ah Usameeyay Maamulka Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabiley,
April 30, 2022 - Written by Editor:“Waxaan Doonayaa In Aan Halkan Ka Muujiyo In La Gaadhay Wakhtigii Gabiley Damaca Ka Lahayd Xisbiga Kulmiye”Siyaasi Faysal Qumuj. GABILEY(W,N)-Faysal cumar madar (Faysal Qumuj” oo kamid ah golaha fulinta ee xisbi xaakimka kulmiye ayaa kulan afur iyo casho ah usameeyay maamulka xisbiga kulmiye ee gobolka gabiley.
Badhasaabka gobolka gabiley ayaa ka qaybgalay kulankan uu siyaasi faysal usameeyay masuuliyiinta, kala duwan ee xisbiga kulmiye ee gobolka gabiley.
Dhanka kale gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka gabiley,gudoomiyaha garabka haweenka iyo garabka dhalinyarada kuwaasi oo dhamaan uga mahad celiyay, munaasibadan uu siyaasi faysal ku maamuusay xubnaha xisbiga ee gobolka.
Ugu danbayn siyaasi faysal cumar oo kamid tirsan gudida fulinta ee kulmiye ayaa sharaxay ujeedada uudaarnaa kulan afurka isagoo dhanka kale sheegay in xisbiga kulmiye uu ka dhashay gabileyna ismarkaana aanu ka maarmi kari gabileyna aanay ka maarmi Karin xisbiga Siyaasi faysal ayaa sidoo kale shaaciyay in la gaadhay wakhtigii reer gabiley hogaamin lahaa xisbi xaakimka kulmiye. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|