|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Dhacdadii Jeelka Hargaysa Iyo Xadhiga Xukuumadu Kula Kacday Suxufiyiin Tiro Badan.
April 13, 2022 - Written by Editor:“Madaxwaynuhu Cid Kasta Oo Uu Colaystaa Haday Colaysto, Anigu La Yaabi Maayo, Iligna Waxan Qabaa In Laga Gardaran Yahay”Siyaasi Cali Guray. AFKU WUXU LA XOOG YAHAY…, Inta Aan Ogahay May Jirin dhabaato wayn oo ka dhacday Xabsigan. Waxay ahayd arin ay ahayd in ay ku koobnaato Maamulka Xabsiga Dhexe. Hadii uu maamulku ka baqdo in xaaladdu faraha ka baxdo in ciidan dheeraad ah uu dalbado si xaaladda uu gacanta ugu qabto lafteeda xaq buu u lahaa. Wixii intaa ka badan ee dhacayba waa buunbuunin baan u arkaa. Madaxwaynuhu cid kasta oo uu colaystaa haday colaysto anigu la yaabi maayo. Ilig waxan qabaa in laga gardaran yahay waayo wuxu si sharci ah u dalbaday liisan TV uu doonayay in uu furto shuruudihii laga doonayayna uu buuxiyay hadana waa loo diidaye yaa kale een ahayn Madaxwaynaha ee u diidi karayay? Hadda ayaa la i leeyahay Ilig baa ugu darnaa suxufiyiinta arintan buunbuunisay. Haday jirto ha buunbuuniyo dee itaalkiisa saw nin madaxwayne dhan iyo xukuumadiisi ay dagaal ku hayaan maaha? Ciddii ku colaysata in adiguna aad colaysatid anigu qalad uma arko, wax iska celintuna gacanta uun maaha oo waakii Maxamed Nuur Fadal lahaa: AFKU WUXU LA XOOG YAHAY MAGLIGA XAWDA KAA JARA. Sidaa daraadeed saxaafadda iyo xisbiyada mucaaridka anigu kula yaabi maayo wax-iska-caabiga waayo waa is-difaac. Xagayga sharcigu waa sharci oo waa in loo wada sinaado, Madaxwaynuhuna isaga ayay u taalaa in uu wax ka bedelo siyaasadiisa uu kula dhaqmo warbaahinta madaxbanaan iyo weliba mucaarikiisa xaqa u leh in ay xisbigiisa kula tartamaan hogaaminta talada dalka. Labadaba iskeen siiya hadii uu yidhaa hadda Quraanjana qaniintay baa la yidhiye ha adkaysto wixii uu xidhayo-na ha xidho. Dagaalkuna wuu soconayaa xataa hadii uu kumanyaal xidho. Xaaladuna in ay ka sii darto mooyee kama soo roonaan doonto SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY” COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|